Maxay ka wada-hadleen xalay Farmaajo iyo Rooble ?

Sida ay Idilnews u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa ahaa salaan iyo isxogwareysi, loogu gogol xaarayo xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble, kaas oo soo jiray muddooyinkii ugu dambeeyay.

Labada nin ayaa ku balamay kulan kale oo caawa dhacaya, kaas oo lagu dhameynayo khilaafkooda, oo salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil, iyo magacaabisyo kala duwan oo ay sameeyeen.

Idilnews