Qaxooti Yemeniyiin ah oo lagu soo dhaweeyay Bosaso

Boosaaso October,21,2021:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo Soomaali ka soo cararay colaadaha Yemen. Waxaana dooni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda magaalada Bosaaso.

Dadkan Qaxootiga ah iyo Soomalida dib ugu soo Labatay Puntland ayaa u badanaa haween iyo carruur Waxaa loo daabulay Xarunta Qaabiladda iyo soo dhowaynta Qaxootiga Boosaaso, waxaana Xarunta lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin cunto bisil, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah

Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo dagaal ka socda wadanka Yaman ayaa horseeday Qulqulka Qaxootiga badan ee soo gaaraya Puntland.