Uhuru Kenyatta oo ka digay cawaaqib ka dhalan kara go’aanka maxkamadda ICJ

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika.”

Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda dabbaaledegga maalinta halyeeyada oo ku beegneyd shalay.

”20 -ka Oktoobar waa maalin muhiim u ah taariikhdeena maxaa yeelay 1952 waxay ahayd maalintii Xaaladda Degdegga ah uu gumaystuhu kaga dhawaaqay dhulkeenna, waxaana la xiray boqollaal kamid ah aabayaashii dalka Kenya aas’aasay”.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay inay dadkii xoriyada Kenya u dagaalamay ay caqabadahaas dusha u riteen sidaas awgeedna ay ka guuleysteen gumeeystaha.

BBC SOMALI

Idilnews