Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Tigreega iyo Abiy

Mesfin Injineerin oo ku taal Bartamaha Mekelle Caasimada Tigreega iyo meel kale oo ujirta Magaalada 50km ayay shalay dukheeyeen Diyaaradaha Abiy.

9-Qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyootay,waxaana ku dhaawacmay 30-kale.

Tigreegu waxay balan ku qaadeen in jawaab adag oo dhagaha faraha la gashan doono ay ka bixin doonaan,waxayna Waraaqo ukala direen Beesha Caalamka.

Sida la fili karo Tigreegu waxay garaaci doonaan Caasimada Amxaarada ee Bahardar,waxaana durba ka bilowday Qax iyo qaylo Amxaaradu ay ku leedahay dhulkayagii intii hartay,ayaa burburaya.

Dagaalkii Lugta Abiy banaan baa lagu mariyay,waana looga adkaay xalayna waxay TDF gacanta ku dhigeen Kaydkii ugu weynaa ee Ciidamada Itoobiya ee ku yaalay Galbeedka Desie.

Kombolcha iyo Desie,waxaa si buuxda gacanta ugu haya Tigreega,waxayna gudaha ugaliyeen Xalay Ciidan.

Sidoo kale Magaalada Debre-burhaanu ee udhaxaysa Adis-ababa iyo Desie ee aysan weli Tigreegu gaarin,balse ay kusii siqayaan Maamulka Amxaaradu waxuu kusoo rogay Bandow.

Dhanka Deegaanka Canfarta Tigreegu waxay ku dagaalameen Xarunta Mille horayna waxay gacanta ugu dhigeen Chefra welise ma aadin Laamiga.

Gudiga Amniga ee Abiy kulan ay ku yeesheen Saldhiga Ciidamada Cirka ee Debreseyd,waxay ku go’aamiyeen in ay dukhaynta dhanka Cirka ah xoojiyaan,maadaama Dagaalkii Dhulka lagu jabiyay,isaga iyo xulafadiisa Kumaandooska Eretereya.

Shacabka Makelle ee garaacistu ku socoto oo isku soo baxay waxay Ciidankooda ku guubaabiyeen in aysan dib usoo laaban oo aysan uhakan dukhaymaha nafla caariga ah.

Jibril Qoobey.