Gen. Bashiir Goobbe oo loo magacaabay Wasiiru-dowle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo wareegto uu soo saaray ayaa S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) u magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenki jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Idilnews