Guddoomiye Sanyare “Waxaan weeraraynaa cabtooy dhibaato ku haya Gaalkacyo” (VIDEO)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Gobalka Mudug, kaas oo looga hadlay la-dagaalanka Argagixisada iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidan Daraawiishta Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug iyo Duqa degmadda Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, oo shirka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay waxgaradka gobalka Mudug inay wax ka qaban waayeen dacwad Maamulka gobalku u gudbiyay oo ahaa inay qabsadaan kooxo cabtooy ah oo dhibaato ku haya shacabka gobalka mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaana uu intaas ku daray inay maalmaha soo socda weerari doonaan.

Idilnews