Puntland oo dayactir ku sameynaysa xarunta Wasaaradda xanaanada Xoolaha Gaalkacyo (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cismaan Aadan (Physics), ayaa dhagax-dhigay dib-u-dayactir lagu sameynayo xarunta Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Guddoomiyaha gobalka Mudug iyo Duqa degmadda Gaalkacyo. Wasiir Physics ayaa sheegay in dhowaan la bilaabayo dib-u-dhiska xaruntan oo muhiim u ah u adeegista shacabka, gaar ahaan xoolo dhaqatada.

Idilnews