Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka soconaya magaalada Guriceel

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka soconaya maanta ilaa caawa magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud, kaas oo u dhexeeya Ciidammada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo isgarabsanaya iyo Xoogaga Ahlusunna.

Dagaalka oo soo bilowday aroortii hore ee saaka, ayaa bilowgee hore waxaa u suuragashay Milateriga DFS iyo Ciidanka Galmudug inay qabsadaan inta badan magaalada Guriceel iyo goobaha muhiimka ah, sida saldhiga iyo xarunta Maamulka magaalada, balse Ahlusunna oo heshay gurmad ayaa galabta dib ugu soo rogaal celisay magaalada, waxaana ay dib u qabsatay goobihii horey loogala wareegay.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka ka dhashay khasaare fara-badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dadka dhintay kamid ah Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle iyo saraakiil kale.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dagaalku uu ilaa hada socdo, waxaana la isku adeegsanayaa hubka culus.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Idilnews