Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo fasaxday goobaha waxbarashada 5 degmo (Akhriso)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay xarumaha Waxbarashada degmooyinka Garoowe, Qardho, Eyl, Ufeyn iyo Boosaaso, maalmaha Axada iyo Isniinta (24 – 25 bishan October), sababo la xariira Doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo.

25 bishan October, ayaa shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn u dareerayaan doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah ee ka dhacda Puntland,taas oo ay kusoo dooran doonaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo.

Idilnews