Akhriso: Doorashooyinka berri ka dhacaya Puntland iyo loolanka 9 Urur-siyaasadeed ee 87 kursi

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa berri subax u dareeri doona doorasho qof iyo cod ah, oo ay kusoo dooran doonaan xubnaha ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee dadku kusoo dooranayaan dadka ku matalaya Maamulka heer deegaanka, tan iyo aasaaskii Puntland oo 23 sanno jirsatay dhowaan.

37,578 oo qof oo ah dadkii qaatay kaararka codbixinta ayaa berri ka codeyn doona 54 goobood, oo ku yaalla saddexda degmo, waxaana ku tartami doona 449 musharax oo ka socda 8 Urur siyaasadeed, iyadoo wadarta guud ee kuraasta lagu tartamayo ay tahay 87 kursi.

* Qardho – 33 kursi
* Eyl – 27 kursi
* Ufeyn – 27 kursi

Doorashadan oo bilaabanaysa 6 aroornimo, ayaa waji cusub u furaysa siyaasadda Puntland, oo horey ay matalayaasha heer dowlad hoose iyo dowlad dhexe lagu soo xuli jiray hab beeleed.

Idilnews