Isku soo bax Roob-doon ah oo ka dhacaya maanta magaalada Gaalkacyo

Waxaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug isku soo bax Roob-doon ah, kaas oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland iyo boqolaal shacab ah.

Roob-doonta ayaa waxaa iclaamiyay Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, isagoona ugu baaqay shacabka Gaalkacyo inay kasoo qeybgalaan isku soo baxan oo ka dhacaya Iskuulka Yameyska ee magaalada Gaalkacyo.

Idilnews