Puntland iyo Switzerland oo ka wada-hadlay Doorashooyinka 3 degmo (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa maantay xafiiskiisa Garowe kulan kula qaatay wafti ka socday Safaaradda Switzerland ee Nairobi.

Shirka ayaa looga wada hadlay doorashooyinka degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof ee qorshaysan in ay 25ka Oct 2021 ka dhacaan Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay Puntland ka gaartay dhinacyada amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Wadanka Switzerland ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ka taageerada dhinacyada horumarka, Dimuqraadiyeynta iyo nabad dhisidda dalka.

Idilnews