Roob-doon maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shacabka iyo Culimada Gobolka Mudug kala qayb galay isu soo bax Roob doon ah oo alle lagu baryayo.

Isu soo baxan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada, Culima udiin iyo Shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ā€œ Shacabka kula dar-daarmayaa in alle dib loogu laabto la waydiisto danbi dhaaf iyo Roob, illaahyow noo danbi dhaaf adoomahaagan nahaye roob na sii, oo maatada qabooji, roobkaaga iyo khayrkaagan u oomanahaye noo naxariiso ā€œ.

Idilnews