Siciid Deni oo ka hadlay geerida Xaaji Axmed Cabdulle

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Xaaji Axmed Cabdulle Nuur (Dhakaawe) oo ku geeriyooday Kenya.

“Alle ha u nasariisto Xaaji Axmed Cabdulle Nuur (Dhakaawe) oo ku geeriyooday Kenya, wuxuu ahaa Shakhsi ku weyn ummada Soomaaliyeed Ganacsade ah oo ka qeyb qaata arrimaha Bulshada, waa tiir muhim ah oo ka baxay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya iyo guud ahaan Gobolka.

Waxaan tacsi la wadaagaya Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu hormuudkooda ka mid ahaa marxuumku, eheladiisii iyo qoyskiisii alle janadii ha geeyo ehelkiisiina samir iyo iimaan alle ha kasiiyo aamiin.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Idilnews