Waa sidee xaalada magaalada Guriceel ?

Rasaas goos-goosa ayaa laga maqlayaa saaka magaalada Guriceel ee gobalka Mudug, oo 24 saac ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya iyo Xoogaga Ahlusunna.

Dagaalkii shalay ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, Ciidammada Dowladda ayaana ku waayay saraakiil sare, sida Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, dhinacyada dagaalamay ayaana ku kala sugan Waqooyiga iyo koonfurta magaalada Guriceel.

Kumanaan shacab ah ayaa ka barakacay dagaalada magaalada Guriceel, kuwaas oo ku sugan hareeraha magaalada iyo deegaanada ku dhow, dagaalka ayaana laga cabsi qabaa inuu sii dheeraado.

Idilnews