Madaxweyne Deni oo codeeyay, kana hadlay aqbalaada Natiijada doorashada (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd ka codeeyay seejada codbixinta ee Kaambo oo ku taala magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar, isagoo kamid ah dad gaaray 2,000 oo qof oo horey goobtan isaga diiwaan-geliyay si ay codeeyaan.

Madaxweyne Deni oo saxaafadda la hadlay codeyntiisa kaddib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horeysay uu codeeyay, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay kasoo baxaan guryaha, ayna muujiyaan dulqaad inta ay ku jiraan safafka ay ku jiraan si u go’aamiyaan masiirkooda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland oo la weydiiyay inuu ku qancayo natiijada hadii laga adkaado Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee KAAH ayaa sheegay inay aqbalayaan natiijada.

Idilnews