NYT”Alshabaab waxay ku jiraan xiligii ay ugu xooga badnaayeen”

As a result, Al Shabab are at their strongest in years. They roam the countryside, bomb cities and run an undercover state, complete with courts, extortion rackets and parallel taxes, that netted at least $120 million last year, by American government est.

Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee Dowladda Faderaalka,ayaa ahayd 2020 $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay ka timid Canshuurta Gudaha.

Halkan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran