Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu hambalyeey dowladda iyo shacabka Puntland doorashooyinka qof iyo codka ah ee saaka ay u dareereen bulshada kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraal uu bartiisa Facebook Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda.”

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.

Idilnews