Kumanaan kamid ah shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayaa weli u taagan codeynta doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka saddexda degmo.
Waqtiga loo asteeyay doorashada oo ku eg 6 marqibnimo, ayaa haatan gabaabsi ah waxaana ka dhiman daqiiqado. Lama oga in Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ay kordhin doonaan waqtiga, maadama ay dadku weli ku jiraan safafka.
Idilnews