Shacabka kunool Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo u dareeray saaka goobaha codbixinta

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa saaka u dareeray doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanada Puntland.

Doorashadan ayaa shacabku kusoo dooranayaan dadka ku matalaya Golayaasha deegaanka saddexda degmo, waxaana laga codeyn doonaa 54 goobood oo ku yaala degmooyinkaas, halka ay ku tartami doonaan 449 musharax oo ka socda 8 Urur siyaasadeed.

Idilnews