Akhriso: Natiijada doorashada Qardho oo lagu dhawaaqay

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha deegaanka degmada Qardho, waxaana hoggaaminaya Ururka Xukuumadda Puntland ee KAAH.

Halkaan hoose ka Akhriso sida loogu kala guuleystay 33 Xildhibaan ee Golaha deegaanka Qardho.

Urur siyaasadeedka KAAH 12 xubnood
Urur siyaasadeedka Mideeye 11 xubnood
Urur siyaasadeedka Sinaan iyo Cadaalad 9 xubnood
Urur siyaasadeedka IFIYE 1 xubin

Idilnews