Natiijada Hordhaca ah Ee Doorashada Golayaasha Dowladaha Hoose Puntland

Natiijada hor u dhac ah:

Eyl”

Waxay u badan tahay in Ururka KAAH ku guuleysto oo helo tiro ku filan Doorashada Duqa.

  1. Kaalinta Labaad waxaa ku jira Mideeye

Ufeyn”

Codka la tiriyey waxaa horeeya KAAH,balse Ururada Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad aad ayay ugula tartameen.

Qardho”

Waxaa weli socda tirintii codadka Deegaankii ugu danbeeyay,waxaana ugu horeeya KAAH,sidoo kale labada Xisbi Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad,ayaan waxba ka danbeyn Ururka KAAH.

Waxay ubadan tahay in Qardho KAAH ka helo 12-Xubnood Golaha 33-da ah,taasoo aan usuurta gelin karin in uu kaligii Duqa dhisto.

Haddaba haddii labada Xisbi ee Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad ay isku darsadaan Codadkooda waxaa suurto gal ah in ay kala saxiixdaan oo kala qaataan labada Duq Magaalo ee Qardho iyo Ufeyn.

Doorashada,ayaa ilaa hadda u muuqata mid si amni ah oo daahfuran u dhacday.

Jibril Qoobey.