Puntland oo canshuureysa xarumaha Caafimaadka Gaalkacyo

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ayaa waxa lagu qabtay kulan uu soo qaban qaabiyay Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey.

Kulan ayaa la isugu yeeray Mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo xirfadlayaasha xarumaha Caafimaadka ka hawl gala ee Magaalada Galkacayo.

Shirkaan ayaa ujeedkiisu ahaa Sidii ay isaga bixin lahaayeen canshuurta ku waajibtay shaqalaha iyo goobaha caafimaadka ee ay ka howl-galaan.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur ayaa sheegay in uu kulanka u sharaxad kasiiyey xirfadlayaasha Caafimadka Cashuuraha kuwaajibay.

Gabagabadii shirka ayaa Mulkiilayaasha, iyo xirfadleyda caafimadka ay balan qaadeen inay bixinayan Cashuuraha iyo khidmada ku waajibay ee Wasaaradda maaliyadda.

Idilnews