Qoorqoor oo dagaalka Guriceel ku eedeeyay dalal shisheeye (VIDEO)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel, isagoo ku eedeeyay dagaalka inay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo dalal shisheeye oo garab siinaya Ahlusunna.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku barakacay dagaalada Guriceel.

Idilnews