Goormee furmayaa kalfadhigga Baarlamaanka Puntland ?

Kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu furmo 30 bishan October oo ku beegan sabtida soo socota, kaddib dib-u-dhac ku yimid.

Kalfadhigga ayaa qorshuhu ahaa in 25 bishan uu furmo, balse Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa codsaday in dib loo dhigo sababo la xariira doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Isniintii ka dhacay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in doodo adag ay hareyn doonaan kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka ay kasoo horjeedaan in Golaha Wakiillada la horkeeno sharciga ka hortaga gudniinka Gabdhaha, oo bilo kahor ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda Puntland.

Idilnews