Hay’adda Diakonia oo Puntland ka taageeraysa wajiga labaad ee Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta Xafiiskiisa Garowe kulan kula qaatay wafti ka socday Hay,adda Diakonia.

Shirkaan waxaa looga wada hadlay doorashooyinka hor dhaca ahaa ee 25kii Oct 2021 ka dhacay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn iyo sidii Diakonia qayb uga qaadan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka degmooyinka Puntland.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Hay,adda Diakonia uga mahad celiyey doorkii ay ku lahayd qabsoomidda Doorashada.

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Idilnews