Maxaa kasoo baxay kulankii Wasiir Dhabancad & Waftiga Hay’adda IFES ? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe ku qaabilay wafti ka socday Hay,adda IFES oo ka shaqaysa arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo xubnaha ka socday Hay,adda IFES ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii hay,adda IFES gacan uga geysan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod.

Idilnews