Turkiga oo ka dalbaday Mareykanka inuu kusoo wareejiyo diyaaradaha F-35

Turkiga ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay in uu soo wareejiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35 ama in uu soo celiyo lacagta mise uu ku bedelo qalab kale oo militiri.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowluud Jaawish Ooglo oo wareysi siiyay idaacadda la iska arko ee CNN Turki ayaa sheegay khamiistan maanta ah in haddii Mareykanku uusan rabin khiyaaraadkaas ay raadsan doonaan dal kale oo ay ka soo iibsadaan qalabka militiri ee Turkigu u baahdo.

“Haddii Mareykanku rabin uu uu xaliyo arrinta diyaaradaha F-35 ama Congress is hor taago, Turkigu wuxuu raadsan doonaa dal kale sida Russia oo aan ka soo iibsan doono diyaaradaha SU-35 am SU-57,” ayuu yiri wasiirku.

Waxaa uu intaas ku daray in Turkiga uusan marna waayi doonin caawimaad, hadda 75% qalabka militiri Turkiga isaga ayaa soo saarta marka dheeraad u baahdaan waxay aadayaan dalal kale.
Turkig iyo Mareykanka oo ah dalalka ugu muhiimsan gaashaan buurta NATO ayaa ku heshiiyay in ay sii wadaan wadahadalada ku saabsan arrinta diyaaradaha F-35, sida ay khamiistan sheegtay wasaaradda difaaca.

Sanadkii 2019, Washington ku dhawaaqday in ay Turkiga ka joojisay in laga iibiyo diyaaradaha F-35 ka dib markii Ankara ay soo iibsatay hanaanka gentaalada difaaca cirka S-400 oo Russia sameyso.

Si kastaba, Turkiga wuxuu sheegay in gentaalada S-400 aysan caqabad ku noqon doonin hanaanka gentaalada ee NATO.

Markasta Ankara waxay ku doodaa in la sameeyo guddi soo kala caddeeya xaqiiqada dhabta ah, hase ahaatee NATO ayaa xaqiijisay in dhammaan xubnaha ururka ay xaq u leeyihiin in dalkii ay doonaan ka soo iibsan karaan hub sida Turkigu sameeyay.

Idilnews