Muhiimada istaraatiijiga ah ee magaalada Dessie u leedahay Ciidamada Tigreega

Muhiimada istaraatiijiga ah ee magaalada Dessie u leedahay ciidamada Tigrayga:

Marka koobaad Magalada Desie waxay waqooyi-galbeed kaga beegan tahay Kembolcha taasoo ku taala meesha ay iska galaan waddooyinka Addis Ababa iyo Asmara (Asseb) iyo Jabuuti.

Marka labaad magaalada Desie waxay xuduud la wadaagtaa labada deegaan ee Canfarta iyo Oromia. Sidoo kale waa magaalo kala badha Meqele & Addis Ababa.

Marka saddexaad Desie waa magaalo ku taal meel istaraatiijiya waxaana soo gala ama kabaxa afar waddo oo istiraatiji ah ooy ugu mihiimsantahay wadada Djibouti-Corridor.

Istaratajiyadaha magaaladani waxay sahlaysaa inay isku xidhmaan ama bar kulan u noqoto ciidanka Tigreega & ciidaanka Jabhada Oromada oo uu heeshiish iskaashi kadhaxeeyay.

Istaratajiyadaha magaaladan waxay Ciidanka Tigreega u sahlaysaa inay si dhib yar uga hortagaan dagaalada Ciidamada Ethiopia ee kaga yimaada deeganada Canfarta, Axmaarada, iyo qaybo ka mid ah deegaanka Oromia.

Ugu dambayn gacan ku dhigista magaalada Dessie, waxay Ciidanka Tigreega u fududaynaysaa in ay gaaraan ama xiraan marinka halbowlaha u ah dalka ee isku xira Djibouti iyo Addis Ababa.

Desie waxay saadaal ka noqon kartaa guusha dagaalka waqooyiga itoobiya.

Abdinur Abdella