Rooble Oo qarka usaaran in uu ku Fashilmo Doorashada

Hala yaabin Rooble oo iscasilay ama lagu khasbay in uu Kursiga baneeyo hadaad ku waabariisato subax subaxyada ka mid ah.

Waxay umuuqataa in Rooble dhaqaajin la’a yahay Tareenkii Doorashada ee loo dhiibay,ahaana shaqada kaliya ee laga sugayay.

Diblomaasiyiin uu uwaramay Rooble,ayuu usheegay in guud ahaan Madaxda Somalida aysan diyaar u ahayn Doorasho xiligan oo ay ka midaysan yihiin lug jiidka,cida kaliya ee rabta Doorasho in ay dhacdana ay isaga tahay.

Ilo kale oo xog ogaal ah waxay xaqiijinayaan in Rooble xiligan go’doon ka yahay Madaxda kale ee Somalida.

Deni,Axmed,Qoor-qoor,Guudlaawe,Laftagaren iyo Farmaajo intuba waxay tuseen,iyaga oo aad moodo in ay ka balameen calaamad ah laguuma baahna.

Rooble waxuu dareemayaa in uu ku jiro go’doon siyaasadeed oo ku keeni kara in uu fashilmo,waxaana umuuqata in dhabarka loo duway xataa Beesha Caalamka.

Farmaajo oo ay isku soo dhawaadeen safarkiisii Qatar kadib wada shaqayna lagu heshiisiiyay,xataa waa ulaba wajiileeyay markale.

Maalmo uwacnaa Rooble oo uu sumcad iyo shacbiyad helay una muuqday Ninka Dalka hogaaminaya,xaalku Maanta waa uga badalan yahay sidii hore.

Isku daygiisa ah in Xildhibaanada Aqalka hoose ee Gobolada Waqooyi la dhaqaajiyo ma noqon doono mid umuuqda in uu guulaysan doono.

Jibril Qoobey.