Al-Shabaab oo madaafiic ku weerartay saldhig ay leeyihiin Ciidanka Puntland

Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab uu weerar madaafiic ah saaka aroortii ku qaaday saldhigga Ciidammada Daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur ee gobalka Bari.

Ciidammada Puntland ayaa uga jawaabay weerarkan madaafiic culus, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hubka culus ee dhinacyadu isweydaarsanayeen.

Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay Weerarkan oo ahaa kii labaad ee bishan gudaheeda Al-Shabaab.

Idilnews