Jubaland oo dhisanaysa Ciidamo Badda ka hawlgala

Jubaland,waxaa dhawaan ay bilaabi doontaa dhismaha Ciidamo Boolis Badda ah.

Ciidankaas dhismihiisa,waxaa Jubaland ka caawinaya Midowga Yurub.

Jubaland Marine Police Forces,ayaa lagu bilaabayaa dhismahooda 100-Askari oo qalab casri ah lagu qalabayn doono.

Sidoo kale mudo Hal Sano ah,waxaa dhaqaalahooda bixin doona isla Midowga Yurub.

Jubaland baahi ayay uqabtaa Ciidan Badda ka hawlgala oo la dagaalama argagixisada iyo Kaluumaysiga sharcidarada ah.

Jibril Qoobey.