Jubbaland iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay la-dagaalanka Burcad-badeeda (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidmada Badda Midowga Yurub ee Ka howlgala badda Soomaaliya oo soo gaaray magaalada kismaayo.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kala wada hadlay in la dhiso lana howlgaliyo ciidanka booliska xeebaha ee dowlada Jubbaland si looga hortago kalumeysiga sharci darada ah ,hubka sharci darada ah, ka hortaga burcad badeedka, tahriibinta dadka iyo keenista sumaha lagu soo daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Shirka ayaa ugu dambeyn la isku afgartay in la wada shaqeeyo xogahana la isla waydaarsado si looga hortago falalka ka dhaca badeena Soomaaliya.

Idilnews