Kalfadhigga Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya

Kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa lagu wadaa inuu maanta furmo, kaddib dib-u-dhac ku yimid muddo 5 berri ah.

Furitaanka kalfadhigga ayaa sida rasmiga ah ku aadanaa 25 bishan Octobar, balse Madaxweyne Deni ayaa codsaday in dib loo dhigo, sababo la xariira Doorashooyinkii 3 degmo ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furi doona Kalfadhigga 49-aad ee Baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Puntland, waxaana uu jeedin doonaa khudbad uu uga hadlayo xaalada Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya.

Idilnews