Laftagareen oo kala hadlay Maamulka Xudur furitaanka waddooyinka go’doonsan (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa degmadda Xudur ee Gobolka Bakool kula kulmay Maamulka Degmada Xudur.

Maamulka Degmada Xudur oo Horkacayey Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Dadaalada ay ku bixinayaan u adeegida Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

“Waxaan idinkaga Mahadcelinayaa Shaqada aad uhaysaan Shacabka reer Xudur Socdaalkayga Xudur waa mid shaqo oo aan ugu kuura-galayo Xaalada Degmada, Amniga Gobolka Bakool waa muhiim in si Wadajir ah looga wada shaqeeyo, dhibaatada Argigixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka waa inaan si wadajir ah aan ugu shaqaynaa sidii aan uga dulqaadi lahayn shacabkeena, kan dowlad ahaan waxaan wadnaa qorshe la’isugu furaayo Wadooyinka Degmooyinka Xudur iyo Waajid iyo Baydhabo” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen

Idilnews