Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wareegtooyin uu soo saaray goor-dhaweyd ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud  iyo Xisaabiyaha Guud ee Jubbaland.

Bashiir Maxamed Baahale ayaa loo magacabay Hanti-dhowraha Guud ee Jubbaland, halka Cabdicasiis Maxamed Xasan loo magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowlada Jubbaland, sida ku cad digreetooyinka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Idilnews