Madaxweyne Deni oo ka hadlay dib-u-dhaca doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka hadlay dib-u-dhaca doorashada Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay Puntland bilaabayso doorashada Golaha Shacabka, si loo soo gaba-gabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira.

“Sida aad wada ogsoon tihiin waxaa qorsheysan in la dhameystiro doorashada Baarlamaanka DF ah, oo qeybtii ugu horeysay ee Aqalka Sare aad halkan ku doorateen, waxaa guddiyada ku shaqada leh ay ku gudajiraan diyaarinta howlaha loo baahan yahay si doorashada Golaha Shacabku u qabsoomto”.

“Waxaa naga go’an inaan si dhaqso ah u bilowno doorashada oo sababo farsamo gadaal ugu dhacday, waxaan ahmiyad siinaynaa in lasoo gaba-gabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira”.

Idilnews