Muxuu Madaxweyne Deni kala hadlay madaxda Wasaaradda Maaliyadda ? (VIDEO)

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maxmed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan, kusimha ahna Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac iyo Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir.

Booqashada Madaxweynaha ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayab ka ah eegista Miisaaniyadda 2022 oo ay diyaariyeen madxda Wasaaraddu wada tashina alag sameeyo.

Kulan kaasi markii uu soo idlaaday Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan ayaa ka ahadlay

“Madaxweynuhu waxa uu uyimi in uu xog-ogaal ka noqdo sida ay shaqadu usocto iyo ogaanshaha Miisaaniyaddii 2022 oo Wasaaraddu soo diyaarisay golaha Wasiiradda ayaa la Marin doonà kadibna Barlamaank ayaa lagayn doonaa ayuu yiri Wasiir Qawdhan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madxda Wasaaradda Maaliyadda kula dar-daarmay in ay sameeyeen kor uqaadidda dakhaliga dalka.

Idilnews