TPLF oo la wareegtay gacan ku heynta magaalada Dessie

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in TPLF ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Dessie, iyadoo soo xigatay afhayeen u hadlay TPLF iyo goob joogayaal ku sugan magaalada.

Waxaa xusid mudan in dagaal ku dhawaad 7aad qaatay oo toos ah uu kasocday duleedka magaalada taasoo ay ciidamada dawlada itoobiya oo kaashanaya maleeshiyaadka axmaaradu ay dadaal ugu jireen sidii aysan magaaladu uga baxdeen gacanta dawlada dhexe.

Magaalada Dessie ayaa leh muhiimad balaadhan oo dhanka isku xidhka caasimada Addis Ababa iyo Galbeedka iyo waqooyiga itoobiya, waxaana ay mariin u tahay isu socodka ganacsiga ee Djibouti iyo galbeedka itoobiya.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawlada dhexe iyo tan deegaanka axmaarada oo ku aadan sheegashada TPLF ee qabsashada magaalada Dessie.

Sdm
Hassan Awliyo

Idilnews