DEG-DEG: Agaasime cusub oo loo magacaabay Hay’adda Socdaalka

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudane Cabdulkadir Cilmi Cali, u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyadoo xilka laga qaaday Maxamed Aadan Koofi oo xilkan hayay tan iyo 2016.

Koofi ayaa horay usoo noqday Taliyiha Nabasugidda ee gobolka Banaadir, inta aan loo magacaabin Hay’addan, iyadoo la hadal hayaa in loo magacaabi doono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Idilnews