Howlgallo ka socda magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Ciidammada Ammaanka Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Amniga ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciidammada oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish ayaa roondo ka sameynaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo, iyagoo sidoo kale baaraya gaadiidka dadweynaha.

Duqa degmadda Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdinuur, oo xalay kormeeray Ciidammada ayaa kula dardaarmay inay u dhimriyaan shacabka, ayna adkeeyaan Amniga magaalda.

Idilnews