TPLF oo la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Kombolcha

Ciidamada TPLF ayaa la wareegay maanta magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay afhayeenkooda, Getachew Reda.

Getachow ayaa sheegay in Ciidammadoodu ay kusii fidayaan deegaanka, isagoo ugu baaqay Ciidammada Abiy inay isku soo dhiibaan si nabad ah.

Magaalada Kombolcha ayaa isku xirta Jabuuti, Eritrea iyo magaalada Adis Ababa, waxaana la wareegitaankeeda uu dhabar-jab ku yahay Xukuumadda Abiy Ahmed.

Idilnews