Wasiir Physics oo kormeeray dhismaha Maxjarka cusub Qardho (VIDEO)

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dawlada Puntland Saciid Cismaan Physics oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Karkaar iyo Kan degmada Qardho, ayaa kormeeray halka ay ka socota dhismaha maxjar wayn kaas oo loogu talagallay baaritaanka iyo Xanaanaynta Xoolaha.

Wasiirka oo ay weheliyaa Maxamed Fu’aad Warsame Agaasimaha Waaxda shaqada shaqaalaha, Aadan caabi Samatar Agaasimaha waaxada cafimadka xoolaha, Maamulka degmada Iyo Kan Gobolka ayaa mid mid u maray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaan cusub, waxay tageen qaybta xaraynta xoolaha, qaybta shaybaarka, qaybta Xafiisyada iyo qaybaha kale shaqooyinka lagu qabanayo.

Idilnews