Mahdi Guuleed oo loo doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa loo doortay Xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday dugsiga Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa helay 97 Cod, halka musharraxada la tartamaysa oo lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim ay heshay 3 Cod, Waxaana xumaaday hal Cod.

Doorashadan ayaa waxaa codeynaya 101 ergo, oo laga soo xulay beelaha goballada waqooyi, ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Idilnews