Doorashada Golaha Shacabka G/Waqooyi oo maanta bilaaban

Doorashada labadii kursi ee ugu horeysay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee matalaya goballada Waqooyi ayaa maaanta ka bilaabanysa dugsiga tababarada Ciidammada Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ayaa diiwaangeliyay Afar Musharax oo labada kursi ku tartami doona, waxaana musharixiinta labada kursi ugu caansan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka dalka Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman Cige oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Axmed Safiina ayaa sheegay in labada kursi ay u codeyn doonaan 101 Ergo oo la soo xulay, kuwaas oo shalay tababar la xiriira doorashada lagu siiyay Magaalada Muqdisho.

Idilnews