Maxaa kasoo baxay kulankii Taliyaha Booliska Puntland iyo Guddiga FEIT ?

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Garowe kulan kula qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Ciro .

kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay habka ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Soomaaliya waxaana ka qayb galay Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, kuxigeenkiisa,Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo saraakiisha sugaysa amniga Doorashada heer Fedaraal.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Guddiga Doorashadda ee heer Federaal uga warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Xilibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya ee lafilayo in ay ka dhacdo magaalooyinka Garowe iyo Bosaso isagoo sheeegay in dhammaan ciiidanka loogu talagay sugudida amniga Doorashada ay heegan Buuxa ku jiraan.

Guddoomiyaha guddiga Doorashada heer Fedwraal Maxamed Xasan Ciro ayaa Talyaha Ciidanka Booliska Puntland,ku xieenkiisa iyo Ciidanka Booliska ku amaanay sid a hagar la’aanta ah ay xil isaga saareen sugida amniga Doorashada isagoo ku dhiiri galiyay in ay halkaas shaqada ka sii wadaan.

Idilnews