Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

Dhinaca kalena, kadib markii uu 3 fadhi ka maqnaa Fadhiyada gudiga joogtada ah, isla markaana Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Mudane, Cabdiraxmaan Diiriye Carab kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka aqbalay, ayaa guddoomiyuhu waxa uu u soo jeeday in xubintaas buuxinteeda loo marayo habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli lahay, haddii ay isku raaci waayeena lagu tartami doono maalinta Sabtida ee fooda nagu soo haysa taariikhduna tahay 06-November-2021.

Idilnews