Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan yeeshay (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 49aad Golaha Wakiillada Puntland.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 2 Guddi oo kala ah:-

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo
Dastuurka

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

Idilnews