Duqa degmadda Gaalkacyo oo dhagax-dhigay 11 Mashruuc oo la fulinayo (VIDEO)

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee gobalka Mudug Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan, ayaa dhagax-dhigay 11 Mashruuc oo laga fulinayo Degmada Gaalkacyo, mashaariicdaan oo ka mid ah Mashaariicda horumarinta (JPLG/LDF) Iyo maamul daadajinta (SDM) Dagmada Gaalkacyo sanadka 2021.

Liiska mashaariicda horumarinta LDF/JPLG ee Degmada Gaalkacyo

1. Waddo 780m laami ah (M/Yasin Tumey Road) Ex-Xero siinay iyo Ex- Warshada kabida.
2. Waddo laami Ah (Guure Road) 620m.
3. Xarunta Dhimirka Gabdhaha ee Gaalkacyo , Xarun Caafimaaf (2 qol).
4. Balaarin iyo Dayactir Xarunta Dawlada Hoose ee Gaalkacyo. (Xafiiska mayor-ka, Hoolka Shirarka, labo xafiis oo Dheeri Ah iyo qol waardiye.
5. Layrka cadceeda ku shaqeeya 15 Baale (Bacaadweyn)
Liiska Mashaariicda Maamul Daadjinta SDM/JPLG
1. Balaarin xarunta hooyada iyo dhalaanka Deegaanka HEEMA (qolka Dhalmada iyo balaarin Deydka)
2. Balaarin Iskuulka Deegaanka Dhagaxyocade (Deyd 50m X 50m), ganjeel iyo dayactir barkad biyood.
3. Dayactir haan biyood iyo dhismo Jikada iyo goobta quudinta ardeyda ee Deegaanka Halabooqad.
4. Deyd Xarunta Hooyada iyo shalaanka (60m X 60m) iyo ganjeel Deegaanka Jeexdin.
5. Dhismo xarunta Hooyada iyo dhalaanka Deegaanka Tawakal (Labo qol, dayactir dayd iyo Ganjeel)
6. Dhismo Dayd iyo Ganjeel (60m X 60m) Deegaanka Jeexdin.

Lacagta mashaariicdaan ku baxaysa waxaa Wada maalgalinaya Dawlada Dhexe ee puntland Wasaarada Maaliyada, Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo iyo Hay’adaha ku midoobay mashruuca JPLG sanadka 2021.

Idilnews