Madaxdii la afgambiyey ee dalka Sudan oo la la’yahay

Qareeno matalaya hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Sudan ee lagu xabisay afgambigii militari ee dalkaas ka dhacay toddobaadkii tegay ayaa sheegay inaan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin “ayna ku jiraan xaalad sharci oo halis ah.

Toddobaad kahor, ciidamada ayaa xiray ra’iisul wasaare Cabdalla Hamduuk, wasiiradiisa iyo hoggaamiyayaasha rayidka ee hoggaaminayey xaaladda kala guurka ee Sudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqraadi ah kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

Wixii markaas ka dambeeyey koox qareeno ah oo ay taageerayaan qoysaska madaxda ayaa sheegay inay matalayaan madaxda.

“Waxaan tagnay xarunta dacwad-oogista dambiyada oo aan rumeysneyn in lagu hayo, balse ma aysan joogin halkaas,” waxaa sidaas yiri Kamal al-Gizouli oo ah madaxda qareenada difaaca.

Gizouli ayaa walaac ka muujiyey badqabka maxaabiista, wuxuuna ku baaqay in la shaaciyo halka lagu hayo.

“Maxaabiistan waxay ku sugan yihiin xaaladda ugu halista badan ee sharci, maadaama aan waxba la ogeyn kiiskooda iyo cidda hogaamineysa baaritaanka,” ayuu ku daray.

Jeneraalka ugu sareeyay Sudan Cabdifataax Al-Burhaan ayaa 25-kii October sheegay inuu kala diray golaha wasiirada iyo golaha qaranimada oo ka koobnaa militariga iyo rayidka.

Cabdalla Xamduuk ayaa hadda ku jira xabsi guri, hase yeeshee waxaan waxba laga ogeyn xaaladda xubnaha kale ee golaha wasiirada.

Burhan ayaa golaha qaranimada hoggaaminayey tan iyo 2019, isaga oo ka dhinac shaqeynaya Xamduuk, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis awood qeybsi.

AFP/VOA

Idilnews